Faahfaahin cusub ayaa kasoo baxday heshiiska ay kooxda reer Spain ee Real Madrid la gaadhay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, kaas oo hadda ay bannaanka yimaaddeen mushaharkiisa iyo qaybo ka mid ah gunnooyinka uu ka qaadan doono Los Blancos.
Kylian Mbappe oo bishan horraanteedii ku wargeliyey kooxdiisa PSG inuu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedka, ayaa waxa la sheegay in uu heshiis shan sannadood ah u saxeexayo Real Madrid oo ahayd riyadiisa illaa carruurnimadii inuu mar uu ka dheelo Santiago Bernabeu.
25 jirkan oo hore loo sheegay inuu heli doono lacag badan oo xaqal-saxeexa heshiiska ah maadaama uu si xor ah ugu biirayo Real Madrid, ayaa waxa xog cusub oo ku saabsan heshiiskiisa soo bandhigay wargeyska Foot Mercato.
Wargeyska ayaa sheegay in marka la saxeexo heshiiska ay Real Madrid u shubi doonto Kylian Mbappe lacag dhan €120 milyan oo Euro, sidoo kalena uu mushaharkiisa sannadlaha ah u dhaxayn doono €19 milyan oo Euro illaa €22 milyan oo Euro.
Waxa intaas dheer, in haddii uu Kylian Mbappe ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, in uu heli doono lacag dhan €15 milyan oo Euro oo ay siinayso Real Madrid.