Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka cadhooday isku-aadka Champions League ee maanta la sameeyey, waxaanay dood ka keeneen qaabka uu u dhacay iyo in la isku beegay Bayern Munich.
Taageereyaasha Arsenal ayaa qabsaday baraha bulshada waxyar kaddib markii la sameeyey isku-aadka, waxaana ay su’aal geliyeen isku-aadka la sameeyey oo ay ku tilmaameen mid lasii qorsheeyey sida ay kooxuhu iskugu dhacayaan.
Isku-aadka oo lagu casuumay halyeygii xulka qaranka Nigeria iyo kooxda Chelsea ee John Obi Mikel ayaa markii uu gacanta geliyey dheriga ay ku jireen magacyada kooxuhu, waxa uu bilowgiiba soo qabtay Arsenal oo noqotay naadigii ugu horreeyey ee uu magaceeda ku dhawaaqo.
Waxa ugu xigtay Bayern Munich oo noqotay naadiga uu usoo xulay inay Arsenal la dheelayso wareegga siddeedda, waxaanay arrintani dood ka keentay jamaahiirta Arsenal oo shaki uu ka galay sababta laacibkan hore oo u dheeli jiray koox ay is-neceb yihiin oo uu xafiiltan ka dhexeeyo uu bilowgiiba magacooda usoo qabtay, isla markaana ugu beegay mid ka mid ah kooxaha ugu adag tartanka.
Markii ugu dambaysay ee ay kulmaan Bayern Munich iyo Arsenal waxay ahayd sannadkii 2017 oo ay Bayern Munich ku burburisay Gunners natiijo ahayd 10-2 isku-darka labadii lugood ee wareegga 16ka Champions League.
12 jeer oo ay Arsenal la ciyaartay Bayern Muncih waxay kaliya guuleysteen saddex jeer, waxaanay Munich tahay cadowga ugu weyn ee ay Arsenal ku leedahay horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League.
Waxa taageereyaasha Arsenal sii niyad-jabiyey oo cadhadooda sii kordhiyey markii ay ogaadeen in haddii ay kooxdoodu kasoo gudubto Bayern Munich, in Semi-finalka ay la ciyaari doonto Manchester City iyo Bayern Munich midkooda soo gudba, taas oo fursaddooda Champions League cirka kusii shareeraysa.