Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyey, in weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland uu dib ugu soo noqday kooxdiisa oo uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulanka Burnley ee Arbacada ee horyaalka Premier League.
Erling Haaland ayaa dhaawac kaga maqnaa 10kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa, laakiin haddana wali waa hoggaamiyaha tartanka gool-dhalinta Premier League iyagoo min 14 gool leh Mohamed Salah oo Liverpool dhaawac kaga maqan.
Pep Guardiola oo la hadlay saxaafadda maanta ayaa yidhi: “Haa, Erling Haaland waa uu soo laabtay, waxaanu diyaar u yahay inuu ciyaaro. Marka aanu haysano ciyaartoydayada oo dhan, waxa aanu nahay koox xooggan, Erling-na waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda noogu muhiimsan.”
Erling Haaland ayaa waxa uu garoomada ka maqnaa muddo laba bilood ku dhow, haddana kooxdiisu waxay awood u yeelatay in ay kaalinta labaad soo cidhiidhsato kaddib markii ay kufitaan isku xig-xigay galeen b ilowgii hore ee dhaawaca Haaland.
Tababare Guardiola waxa kale oo uu ka hadlay Kevin De Bruyne oo bandhig fiican sameeyey labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey kaddib shan bilood oo uu u jiifay dhaawac muruqa ahaa, waxaanu yidhi: “De Bruyne waxa lagu sameeyey qalliin markii uu dillaacay muruqu, haddana xaaladdiisu gebi ahaanba way ka duwan tahay sidii hore. Si tallaabo-tallaabo ah ayuu usoo xoogaysanayaa.”