Goolhaye Diogo Costa ayaa badbaadiyay 3 rigoore oo ay laaden xulka Slovenia kadib markii ay Portugal 3-0 gool ku laadyo ah ku garaaceen xulka Slovenia oo barbaro 0-0 ah ku qabtay ciyaar lesla aaday 30 daqiiqo oo dheeri ah.
waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta Cristiano Ronaldo ayaa Portugal ka qasaariyay rigoore dili lahayd ciyaarta.
Portugal ayaa fursado badan heshay qaybta labaad laakiin sidoo kale goolhayahooda ayaa badbaadiyay kubbad uu hal-hal ku helay weeraryahanka Slovenia Benjamin Sesko.
Costa ayaa ka badbaadiyay Josip Ilicic, Jure Balkovec iyo Benjamin Verbic rigoorayaashii ay laaden isagoo xulkiisa u diray wareega xiga isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed muuqda.
Ronaldo ayaa si gaar ah isha loogu haayay maadamo xulkiisa uu ka qasaariyay rogoore muhiim ahayd taas oo keentay in uu ilmeeyo isla markaana uu u baahday in saaxiibadiis ay u qalbi qaboojiyaan.
Xulka Portugal ayaa rigoorada loo dhigay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ee waqtigii dheeriga aha lagu daray markii kubad uu Diogo Jota uu la dhex galay diilinta ganaaxa taaso keentay inuu jalaafo daafaca Vanja Drkusic kaas oo horay jaale u qaatay nasiibna u yeeshay in uusan helin jaale labaad.
goolhayaha Slovenia Jan Oblak ayaana Ronaldo ka joojiyay rigoorada.
Xeeladaha Slovenia ayaa ahaa kuwo xadidan oo mar kasta oo ay kubbad helaan waxay u dhigayen weeraryahanada Andraz Sporar iyo Sesko.
Laakin waxa ay aheyd xeelad si fiican u shaqeysay, Sesko ayaana labo fursadood oo mid ka mid ah ciyaarta ku helay qaladaad uu sameeyay Pepe, lakiin goolhaye Costa ayaa ka badbaadiyay.
Si kastaba Portugal wareega siddeed dhamaadka waxay isku arki doonan xulka Faransiiska oo guul 1-0 ah ka gaaray xulka Belgium.