Sir Jim Ratcliffe ayaa nadiin badan ku samayn doona Manchester United marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana uu xaraashi doonaa darsin ciyaartooyo ah sidii aanu wararkayagii maanta idiinku soo gudbinay, hase yeeshee waxa uu go’aan cusub ka gaadhay tababare Erik ten Hag.
Manchester United oo kaalinta toddobaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa waxa ay go’aansatay in uu sii joogo tababare Erik ten Hag oo aan shaqada laga caydhinin, waxaanay taas beddelkeeda meesha ka saari doonaan 11 ciyaartoy oo koowaad ah.
United ayaa fursadda kaliya ee ay ugu guuleysan karayso koob uu yahay inay finalka FA Cup ku garaacaan Manchester City, haddii kale waxa uu xilli-ciyaareedkii labaad ee Erik ten Hag uu kusoo dhamaan doonaa si murugo leh, iyagoo xataa ka maqnaan doona tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe
Warbaahinta Maraykanka ee ESPN ayaa sheegtay in Sir Jim Ratcliffe uu doonayo in Erik ten Hag uu siiyo fursad kale oo uu kooxda kusii hoggaamiyo, waxaana uu taas beddelkeeda awoodda saari doonaa ‘xallinta dhibaatooyin kale’ oo ka jira gudaha kooxda.
Ratcliffe ayaa waxa hore loo sheegay in aanu ku qanacsanayn tababare Erik ten Hag oo uu doonayo inuu ku beddelo Thomas Tuchel oo ka tegaya Bayern Munich, isla markaana ay wada-hadallo yeesheen.