Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa laga diiwaangeliyey dhacdooyin cajiib ahaa maanta, waxaana laga sheekaynayaa dhacdadii garoonka St. James’ Park, iyo saddex ciyaarood oo arbarro ku dhamaaday markii ay kooxo waqti hore quus noqday ay sameeyeen soo laabasho yaab lahayd.
Ciyaarta marba gees isku geddiyeysay waxay ahayd kulankii Newcastle United ay garoonkeeda St. James’ Park kusoo dhoweysay naadiga yar ee Luton Town, taas oo waqti hore ay Newcastle hoggaanka qabatay laakiin afar gool loogu beddelay ka hor aanay soo-laabasho samaynin ee aanay barbarraha tuugin.
Daqiiqaddii 7aad ayuu Longstaff hoggaanka u dhiibay Newcastle United, hase yeeshee Luton ayaa keentay goolka barbarraha daqiiqaddii 21aad, ka hor intii aanu Longstaff mar kale hoggaanka usoo celinin Newcastle daqiiqaddii 23aad.
Musalsal ayaa bilowday intaa wixii ka dambeeyey, waxaana saddex gool oo daran-doorri ahaa is-raacisay Luton oo burburisay difaaca kooxda martida loo ahaa.
Ross Barkley, Morris iyo Adebayo ayaa saddex gool ku shubay shabaqa Newcastle, laakiin waxa dib ka dagaallantay Newcastle oo Kieran Trippier iyo Harvey Barness, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-4.
Waxa kale oo lagu dhegay Tottenham oo laba jeer ka hormartay Everton oo ay ku booqatay Goodison Park, kuwaas oo dhibcaha ku haybsaday 2-2.
Tottenham ayaa uu hoggaanka u dhiibay weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison daqiiqaddii 4aad ee bilowga ciyaarta, laakiin waxa u jawaabay Jack Harrison, balse waxa mar kale shabaqa kooxdiisii hore soo taabtay Richarlison oo ciyaarta ka dhigay 2-2.
Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartan ayay Everton keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Braithwaite oo madaxa ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo laga soo hubiyey VAR laakiin ay garsoorku isku raaceen inay sax ahayd.
Dhinaca kale, Fulham ayaa xajisan weyday guul 2-0 ah oo gacanteeda ku jirtay, waxaanay ogolaatay in Burnely ay ku heshiiyaan 2-2. Palhinha iyo Rodrigo Muniz ayaa qaybtii hore labada gool oo Fulham kala dhaliyey, halka Burnley oo khadka cas ku jirta uu qaybtii labaad labada gool u dhaliyey David Fofana oo ay amaah kaga soo qaateen Chelsea.
Brighton ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka luntay kulankii ugu dambeeyey, waxaanay 4-1 ku muquuniyeen kooxda reer London ee Crystal Palace oo marti u ahayd.