Xidhiidhka FA-ga ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Thomas Tuchel loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka qaranka England, isaga oo xilka ka bedeli doona Gareth Southgate. Tuchel ayaa xilka si rasmi ah ula wareegi doona bisha January ee sanadka 2025, taas oo u noqon doonta bilow cusub oo uu ku hoggaaminayo xulka England.
Tuchel ayaa ka hadlay dareenkiisa ku saabsan magacaabista, isagoo sheegay, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii magacaabay hogaaminta xulka England. Waa sharaf weyn in la ii doorto inaan hoggaamiyo qarankan.”
Tababaruhu waxa kale oo uu sheegay in xidhiidh qoto dheer uu la leeyahay kubadda cagta England, isagoo yiri, “Mar walba waxaan dareemayay xidhiidh gaar ah oo aan la leeyahay kubadda cagta dalkan, waxaana horay iigu soo maray waqtiyo cajiib ah oo aan la qaatay ciyaartooyda dalkan.”
Tuchel ayaa intaas ku daray, “In la i siiyo fursad aan ku matalo England waa mudnaan aad u weyn, waana sharaf in aan la shaqeeyo xiddigaha heerka sare ah ee xulka qaranka. Waxaan rajaynayaa inaan guulo waaweyn gaadhsiin doono England.”