Warbaahinta Ingiriiska ayaa tabinaysa dhacdo murugo leh iyo inay noloshiisu halis ku jirto xiddig Premier League ka dheeli jiray oo galay shil baabuur oo halis ah, kaas oo hadda ay dhakhaatiirtu la tacaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen.
Inta u dhaxaysa Norwich Aviation Museum iyo garoonka diyaaradaha ee magaaadada ayaa waxa uu laacibkan hore ku galay shil naxdin leh, isaga oo kasoo baxay xafladda Maxon Air gellinkii.
Jeremy Goss oo u ciyaari jiray kooxda Norwich City oo u aqoonsan halyeygeeda, sidoo kalena u dheeli jiray xulka qaranka Wales, ayaa sidoo kale ku guuleystay koobka UEFA Cup waqtiii uu garoomada wacdaraha ka dhigi jiray.
Baabuur midabkiisu buluug yahay oo marayey dhinaca bidix ee waddada ayaa waxa uu ku kexeeyey xawaare aad u dheeraynaya. Shilkan ayaa uu galay abbaaro 3pm maalintii Arbacada ee January 31, waxaana illaa waqtigaas ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalliino kala duwan iyaga oo ku dedaalayey inay dhimasho ka badbaadiyaan.
Mr Goss ayaa waxa uu sannadkii 1983kii u qaaday Norwich City koobka FA Youth Cup, waxaana kooxda koowaad uu usoo dallacay 1984kii isaga oo u dheelayay illaa 1996kii waxaanu u dhaliyey 14 gool.
Waxa lagu xasuustaa gool qurux badan oo uu fooli ahaa oo uu ka dhaliyey Bayern Munich finalkii UEFA Cup ee October 1993.