Real Madrid ayaa weyn doonta Vinicius Junior kulanka Champions League ee Liverpool usbuucan ay ku wajahayaan.
Kooxda LaLiga ayaa maanta xaqiijisay in Vinicius uu dhaawac ka soo gaaray muruqa bidix intii lagu jiray kulankii xalay.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa la filayaa inuu seego ugu yaraan seddex isbuuc garoomada si uu kaga soo kabsado dhaawaciiisa.
Vinícius ayaa ciyaaray dhamaan 90kii daqiiqo kulankii ay Los Blancos 3-0 kaga badisay Leganés xalay horyaalka Laliga Spain.
24-sano jirkaan ayaa kaliya ku soo laabtay Madrid Khamiistii ka dib markii uu kasoo laabtay wajibaadka xulkiisa Brazil oo la ciyaaray Venezuela iyo Uruguay.
“Vinícius wuxuu dareemay xanuun,” Ancelotti ayaa yiri kadib ciyaartii kooxdiisa guusha ka gaartay Leganés.
Real Madrid ayaa isbuucaan tartanka Champions League ku wajaheysa Liverpool, waxaana muuqata in laacibka garabka ka ciyaara uusan diyaar aheyn kadib dhaawaciisii xalay.