Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshay warkii ay ka sugaysay tababaraha ay sida weyn u doonayaan in uu xagaaga u beddelo Jurgen Klopp, kaas oo si cad warbaahinta horteeda kaga shaaciyey go’aan ka beddelan midkii uu qaatay Xabi Alonso oo isagu dhabarka u jeediyey naadigiisa hore, kuna sii negaanaya Bayer Leverkusen.
Ruben Amorim oo ah tababaraha kooxda Sporting Lisbon oo kaalinta koowaad kaga jira liiska tababareyaasha ay doonayso Liverpool ayaa qumbulad ku tuuray kooxdiisa, kana farxiyey jamaahiirta Reds.
Amorim ayaa waxa uu sheegay in aanu hubin in uu sii ahaan doono tababaraha kooxdiisa Sporting Lisbon xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana aanu usii joogi karaynin naadigiisa si la mid ah sida Xabi Alonso oo kale.
Isaga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa iyo wax ka jira inuu tegayo Liverpool, ayaa waxa uu Ruben Amorim ku jawaabay: “Anigu ma damaanad qaadi karayo in aan sii joogayo Sporting xilli-ciyaareedka dambe.
“Ma odhan karayo waxa aan jecelahay wixii uu sameeyey Xabi Alonso [sii joogistiisa Leverkusen], laakiin waxa aanu haysanaa waqti aanu kaga wada-xaajoono mustaqbalkayga, waxaananu samayn doonaa waqtiga ku habboon.