Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqada ka eriday tababaraheedii Massimiliano Allegri oo ay ku eedaysay in si aan habboonayn uu u dhaqmay intii ay socotay ciyaartii Copa Italia ee ay ku guuleysteen iyo sidoo kale kaddib markii aydhamaatay ciyaartu.
War-saxaafadeed cadho ka muuqato oo ay soo saartay Juventus ayaa lagu yidhi: “Ficilladiisii intii ay socotay ciyaartii finalka Coppa Italia iyo kaddibba, ma ahayn kuwo ku habboon qiyamka Juventus iyo kuwa ay tahay inay metelaan.”
Juventus ayaa intaa ku dartay, in ay soo afjartay wada-shaqayntii Massimiliano Allegri ee soo bilowday sannadkii 2014, sidoo kalena mar kale dib u bilowday 2021 oo dib loogu magacaabay kooxdan oo uu saddexdii sannadood ee u dambeeyey laylinayey.
Waxa ay Old Lady intaa ku dartay, in ay burburisay qandaraaska Massimiliano Allegri oo soconayay illaa laga gaadhayo June 025 oo sannad uu ka hadhsan yahay.
Ficillada ay kooxdu sheegtay in aanay la jaan-qaadaynin oo aanay ku habboonayn sumcadda kooxda, ayaa waxa ay dhaceen Arbacadii oo ay Juventus finalka Coppa Italia ku garaacday Atalanta, taas oo casaan lagaga saaray tababare Massimiliano Allegri.