Wayne Rooney ayaa noqday tababarihii ugu magaca weynaa ee laga caydhiyo kooxaha Ingiriiska xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena waxa uu noqday macallinkii ugu horreeyey ee sannadkan cusub ee 2024 laga caydhiyo horyaallada Yurub.
Halyeyga Manchester United ee Wayne Rooney ayaa waxa goordhoweyd si rasmi ah loogu dhawaaqay in ay shaqada ka caydhisay kooxdiisa Birmingham oo natiijooyin aad u liita uu ka keenay 15 ciyaarood oo uu layliyey.
Birmingham ayaa waxa maalintii sannadka cusub 3-0 ku garaacday Leeds United, waxaanay ahayd guul-darradii 13aad ee 15 kulan oo uu Wayne Rooney tababare u ahaa, iyagoo hal ciyaar oo kaliya guul gaadhay.
38 jirkan oo loo magacaabay tababaraha Birmingham bishii October ee sannadkii hore kaddib markii si lama filaan ah shaqada looga caydhiyey John Eustace, ayaa waxa uu dhaxlay iyadoo kooxdu kaalinta shanaad ku jirta laakiin hadda waxay fadhiyaan booska kaalinta 20aad.