Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay warkii ugu farxadda badnaa, waxaanay ogolaaday inuu ku biiro xagaaga xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo si xor ah ugaga soo wareegi doona PSG oo qandaraaska uu kula jiro uu dhacayo lix bilood kaddib.
25 jirkan ayaa ahaa hadal-haynta ugu badan ee suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana dedaal badan oo ay ku xajisanayso ku jirtay PSG, halka Real Madrid ay iyaduna ku qalqaalinaysay inuu rumeeyo riyadiisii carruurnimo ee ahayd inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu.
PSG ayaa u bandhigtay heshiis cusub oo sannadkii uu ku qaadanayo mushahar dhan €120 milyan oo Gini, laakiin laacibkan ayaa go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid oo ay mabda’ ahaan isla qaateen qandaraaska laakiin ay ku kala aragti duwan yihiin qodobka mushaharka oo aanay wali isla meel-dhigin.
Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee BILD ee kasoo baxa waddanka Germany, Kylian Mbappe iyo Real Madrid waxaana uu laacibkani mar horeba guri ka kiraystay magaalada Madrid, halkaas oo ay isaga iyo qoyskiisu u guuri doonaan.
BILD waxa uu intaa ku daray, in Mbappe uu sidoo kale Real Madrid uga tanaasulay qayb ka mid ah mushaharka badan ee ay PSG siinayso, waxaana uu dalbaday €70 milyan oo Euro, hase yeeshee Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa ka biyo diidsan mushaharka intaas le’eg oo u arka inuu jabinayo sharciga kooxda ee jaan-gooyey mushaharka ugu badan ee ay bixin karayaan.
Waxa uu BILD intaa ku daray, in Madrid ay kaliya ogolaanayso kala-badh lacagta uu Mbappe dalbanayo, taas oo noqonayso €35 milyan oo Euro, taas ayaanay dhinacyadu ka wada xaajoonayaan hadda.
Toddobaad ka hor, wargeyska Foot Mercato ayaa sheegay in laacibkani uu heshiis la gaadhay Real Madrid, laakiin waqtigaas waxa beeniyey laacibkan, halka haddana uu BILD soo bandhigay xog kale oo cusub oo muujinaysa heshiiska Real Madrid iyo xiddiga reer France.