Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa weerar ku qaadaysa Liverpool oo ay ka doonayso difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold, kaas oo Los Blancos ay doonayso inay ku beddesho laacibka sii gaboobaya ee Dani Carvajal.
Alexander-Arnold oo qandaraaskiisa Liveprool uu ku egyahay June 2025, ayaa kooxo badan oo reer Yurub ah ay si dhow ula socdaan xaaladdiisa waxaana naadiyadaas hormood u ah Real Madrid oo ku darsatay qorsheyaasheeda mustaqbalka dhow.
Sida uu xaqiijiyey wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano, Real Madrid ayay ka go’an tahay inay hesho Trent Alexander-Arnold oo ay isku dayi doonaan inay la saxeexdaan xagaaga foodda inagu soo haya, haddii kalena ay si xor ah ku helaan sannad kaddib.
Ma jiraan wada-hadallo ay Real Madrid kula jirto Trent Alexander-Arnold iyo kooxdiisa Liverpool midna, laakiin waxa ay la socotaa in uu dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisu oo ay fursad u haystaan saxexiisa marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan.