Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe oo hurdo ka ladi la’ Kylian Mbappe oo uu mustaqbalkiisu laalan yahay ayaa warbaahinta la hadlay, waxaana uu shaaciyey xog ka nixisay taageereyaasha kooxdiisa iyo kuwa kale ee Faransiiska, halka uu sidoo kalena qish weyn siiyey Real Madrid oo lala xidhiidhinayo laacibkan.
Weeraryahanka reer France oo uu qandaraaskiisa PSG ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayaa la sheegay inuu si xor ah ugu biiri doono Real Madrid, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu mustaqbalkiisa caddayn doono.
Nasser Al-Khelaifi oo ah Madaxweynaha PSG ayaa warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ku hadlay luuqad ka duwan middii hore loogu yaqaanay ee ahayd ‘in aanu Mbappe meelna tegi doonin oo uu sii joogayo PSG’, waxaana doorkan uu sheegay in laacibkani aanu wali mustaqbalkiisa go’aamin.
“Marka aanu labadayada dhinacba go’aanka gaadhno, waanu idinku wargelin doonaa waxa uu doonayo iyo waxa ku dhacaya Mbappe. Hadda waxba ma aanu go’aansanin, waana wali.” Ayuu yidhi Nasser Al-Khelaifi.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Real Madrid ay kalsooni buuxda ku qabto inay la saxeexanayso Kylian Mbappe, waxaana arrintan isku raacsan warbaahinta Faransiiska iyo khubarada ciyaaraha intaba.