Richard Master oo ah madaxa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa war cusub kasoo saaray waqtia ay bilaabmayso dhegaysiga dacwadda loo haysto Manchester City ee ah inay 115 jeer jabiyeen sharciga dhaqaalaha, isla markaana go’aanka lagaga gaadhayo waxa laga yeelayo.
Manchester City oo xilli-ciyaareedkii hore ku wada guuleysatay saddexda koob ee Premier League, Champions League iyo FA Cup ayaa waxa bishii February la shaaciyey in lagu haysto eedaymo waaweyn oo sababi kara in ciqaab adag la marsiiyo.
Richard Masters oo ah madaxa horyaalka Premier League, ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay, in la go’aamiyey waqtiga la dhegaysanayo dacwadda ka dhanka ah Manchester City, laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah iyo tafaasiil la xidhiidha natiijada la filayo.
Richard Masters ayaa yidhi: “Dhegaysiga 115 dacwadood oo loo haysto Manchester City waxa ay bilaabmi doontaa mustaqbalka dhow.”
Saxaafadda ayaa isku dayday inay ku riixdo Richard Masters in uu taageereyaasha iyo daneeyeyaasha kaleba u caddeeyo waqtiga dhegaysiga, laakiin waxa uu ku gaabsaday in ‘mustaqbalka dhow’ ay bilaabmayso dacwaddu”.
Manchester City ayaa ku eedaysan inay ku tumanaysay sharciga dhaqaalaha intii u dhaxaysay 2009 illaa 2018, isla markaana 115 jeer ay jabisay sharciga, halka shantii sannadood ee ka dambeeyeyna ay diidday inay warbixinteeda maaliyadeed si daah-furan usoo bandhigto sida kooxaha kale, taas oo iyaduna sharci-jabin ah.