Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey inuu afar dhibcood ka jaray koox jabisay dhaqaalaha ee ilaalinta macaashka, kaddib markii ay samaysay saxeexyo tiro badan oo ka badan inta uu dakhligeedu u jidaynayey.
Premier League ayaa go’aamiyey, in afar dhibcood ay ka jareen kooxda Nottingham Forest oo 42 ciyaartoy la saxeexatay tan iyo markii ay kasoo dallacday heerka labaad ee Champions League laba sannadood ka hor, sida uu ogaaday wargeyska The Guardian.
Kooxda Nottingham Forest ayaa waxa ay hore ugu jirtay kaalinta 17aad oo ay ku haysatay 25 dhibcood, laakiin waxa ay hadda hoos ugu dhacday kaalinta 18aad oo ay 21 dhibcood ku haysato.
Bishii January ayaa uu Premier League shaaciyey inay baadhitaan ku hayaan Nottingham Forest oo xilli-ciyaareedkii 2022/23 usoo dalalcday horyaalka Premier League, laakiin xisaab-xidhkeedii ugu dambeeyey ku sheegtay inay gashay khasaare weyn, iyadoo sharciguna dhigayo in aanay kooxna diiwaangelin karin khasaare ka badan £105 milyan oo Gini saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey.
Kooxaha heerka labaad ayaa sidoo kale uu sharcigu dhigayaa, in aanay geli karin khasaare ka badan £61 milyan oo Gini saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey.
Nottingham Forest ayaa waxa la degay saxeexyo tiro badan oo ay samaysay markii ay heerka koowaad usoo dallacday, waxaana lacag rikoodh jabis u ahaa ay kasoo bixiyeen Taiwo Awoniyi, Morgan Gibbs-White iyo Ibrahim Sangare.
Waa kuwan 42ka ciyaartoy ee ay la saxeexatay Nottingham Forest tan iyo markii ay Premier League usoo dallacday
2022/23
- Morgan Gibbs-White
- Taiwo Awoniyi
- Danilo
- Neco Williams
- Emmanuel Dennis
- Orel Mangala
- Moussa Niakhate
- Giulian Biancone
- Lewis O’Brien
- Remo Freuler
- Omar Richards
- Jonjo Shelvey
- Renan Lodi
- Chris Wood
- Ui-jo Hwang
- Willy Boly
- Harry Toffolo
- Felipe
- Josh Bowler
- Brandon Aguilera
- Jesse Lingard
- Gustavo Scarpa
- Cheikhou Kouyate
- Andre Ayew
- Wayne Hennessey
- Adnan Kanuric
- Dean Henderson
- Loic Bade
- Keylor Navas
- Serge Aurier
2023/24
- Ibrahim Sangare
- Anthony Elanga
- Andrew Omobamidele
- Murrilo
- Nicolas Dominguez
- Matt Turner
- Matz Sels
- Odysseas Vlachodimos
- Callum Hudson-Odoi
- Nuno Tavares
- Gio Reyna
- Ola Aina
- Andrey Santos
- Gonzalo Montiel
- Divock Origi
- Rodrigo Ribiero