Xiddiga reer Brazil ee Gabriel Martinelli ayaa la shaaciyey inuu dhaawac kaga maqnaan doono ciyaarta lugta labaad ee Champions League ee FC Porto ee Salaasada, kaddib markii uu awoodi waayey inuu kusoo laabto tababarka kooxdiisa oo uu ka maqnaaday Isniintii maanta.
Tababarkii maanta ay ciyaartoyda Arsenal ugu diyaar-garoobayeen kulanka FC Porto ee Arbacada ayaa uu Gabriel Martinelli taam u noqon waayey isaga oo wali la dhibaatoonaya dhaawac lugta ah oo uu kaga maqnaa ciyaartii Sabtidii ee Brentford.
Mikel Arteta oo warbaahinta la hadlay ayaase sheegay in aanu wali ka quusanin Gabriel Martinelli oo uu rajaynayo inuu qayb ka noqon doono ciyaarta FC Porto ee ay u baahan yihiin guusha si ay usoo gudbaan.
Arteta oo warbaahinta la hadlay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya maqnaanshaha Martinelli ayaa yidhi: “Ma jiraan macluumaadyo badan. Wali waxa aanu haysanaa 24 saacadood, waxaananu isku dayaynaa sidii uu qof walba taam u noqon lahaa berri.”