Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay ciyaartoygii labaad oo ka tegi doona marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda oo kusoo xidhmaya finalka FA Cup oo ay maalinta Sabtida ee ah May 25 la dheeli doonaan Manchester City.
Manchester United ayaa la filayaa inay isbeddello badanku dhici doonaan, waxaana hore ay kooxdu u xaqiijisay inuu ka tegi doono weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo qandaraaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, isla markaana ay kooxdu hore u go’aansatay in aanay dhaqan-gelinin qodob u ogolaanayay inay sannad kale sii haysato.
Red Devils ayaa waxa ay hadda xaqiijisay in ciyaartoygii labaad uu isaguna tegi doono oo uu raaci doono dariiqa Anthony Martial, waana difaaca reer France ee Raphael Varane oo heshiiskii ay la gaadheen sannadkii 2021 oo ay kala soo wareegeen Real Madriduu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
31 jirkan oo saddex sannadood oo uu joogay Old Trafford u saftay kaliya 93 ciyaarood ayaa waxa ragaadiyey dhaawacyo iyo bandhiggiisii bilowgii oo la saluugay, laakiin waxa uu bandhig fiican sameeyey xilli-ciyaareedkii hore markii ay is-heleen Lisandro Martinez, iyagoo koobkii ugu horreeyey muddo lix sannadood ah u qaaday Man United, waxaanu ahaa Carabao Cup.
Xilli-ciyaareedkan socda ayuu kusoo bilowday 24 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana hadda uu isku diyaarinayaa sidii uu uga guuri lahaa magaalada Manchester.
Laacibkan ayaa muuqaal uu soo duubay, waxa uu ku xaqiijiiyey bixitaankiisa, waxaanu yidhi: “Taageereyaasha Manchester United-oow, waxa aan shaadhka kooxdan xidhnaa sannado kooban oo cajiib ah. Markii iigu horreysay ee aan imid Old Trafford aniga oo ah ciyaartoy Manchester United ah, waxa aan la yaabay jawigiisa. Waxa aan dareemay jacaylka kooxda iyo jacaylka taageereyaasha. Si aad u dareento qiimaha ay leedahay Manchester United, waa in aad u ciyaarto.”
Ka sokow Raphael Varane iyo Anthony Martial, waxa kale oo Manchester United la filayaa inay ka tegi doonaan illaa 10 ciyaartoy oo kale oo uu ugu horreeyo Christian Eriksen.