Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka hadashay mustaqbalka kabtankeeda Bruno Fernandes, kaddib markii uu difaaca reer France ee Raphael Varane uu shaaciyey inuu iskaga tegayo kooxdaas toddobaad kaddib, kaas oo uu kasii horreeyey Anthony Martial.
Bruno Fernandes oo January 2020 ay Manchester United kasoo iibsatay Sporting Lisbon ayaa ahaa kabtanka Manchester United labadii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaase ay hadal-hayn ka taagnayd mustaqbalkiisa.
Sir Jim Ratcliffe ayaa ku daray Bruno Fernandes liiska xiddigaha xaraashka loo diyaariyey iyadoo aanu ka mid noqonin liiska xiddigaha lama-taabtaanka ah ee saddexda ciyaartoy ee kali ahi ku jiraan ee Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund.
Wargeyska The Sun ayaa maanta qoray, in Bruno Fernandes uu tegi doono Bayern Munich, sidoo kalena saaxiibkiisa khadka dhexe ee Casemiro aanay caddayn halka uu u dhaqaaqayo balse ay u badan tahay inuu tegi doono Sucuudiga.
Si kastaba ha ahaatee, tababare Erik ten Hag oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Manchester ayaa ka jawaabay warkan, waxaanu yidhi: “Toddobaadkii hore ayaa la i weydiiyey su’aashan oo kale oo aan ka jawaabay. Bruno Fernandes sannadka oo dhan waxa uu noo ahaa ciyaartoy muhiim u ah Manchester United oo sameeyey fursadaha ugu badan horyaalka Premier League oo dhan. Waxa uu sameeyey caawin badan, waxa uu dhaliyey goolal badan, sidaa daraadeed waxa uu noo yahay ciyaartoy muhiim ah.”