Madaxweynaha cusub ee kooxda kubadda cagta Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe oo ah ninka labaad ee ugu taajirsan Britain, ayaa waxa uu shaaciyey sababta kooxdiisu aanay ula saxeexanaynin laacibka reer France ee Kylian Mbappe oo si xor ah lagu heli karayo xagaaga.
Sir Jim Ratcliffe ayaa la wareegay maamulka Manchester United dhamaadka sannadkii hore, markaas oo uu sidoo kale iibsaday 25% mulkiyadda naadiga, iyadoo maamulkana ay gacanta ka geliyeen qoyska reer Glazer.
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegay inuu mar horeba ku wargeliyey naadigiisa inuu si xor ah ugu wareegayo Real Madrid, ayaa waxa la isku raacsan yahay in 99% la dhamaystiray heshiiskiisa Real Madrid.
Kooxo badan ayaa uu hunguri ka hayey laacibkan oo heshiiskiisa uga gaabsaday sababo la xidhiidha dhaqaalaha badan ee uu laacibkani doonayo oo aanay awoodi karaynin, waxaana kooxaha ka gaabsaday ku jirta Manchester United.
Sir Jim Ratcliffe oo maanta la hadlayay saxaafadda ayaa la weydiiyey arrinta Kylian Mbappe iyo haddii ay kooxdiisa Man United la saxeexanayso, waxaanu ku jawaabay: “Mbappe waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin annaga diiraddayadu isaga ma aha.
“Arrintu ma aha in aad dhawr ciyaartoy oo wanaagsan lacag badan ku kharash garayso, sidaas ayaanay samaynayeen haddii aad eegto 10kii sannadood ee ugu dambeeyey. Waxa ugu horreeya ee aanu u baahanahay waa in aanu helno dadkii saxda ahaa ay soo galaan xayndaabka, maamulka iyo abaabulka kooxda.
“Waxa waajib ah in aanu sida ugu saxdan ciyaartoyda u doonano, waxa ay qayb ka tahay maamulka kooxda in aad hesho shaqaalaysiin sax ah, in aad hesho ciyaartooyo cusub.”
Sir Jim Ratcliffe oo sharraxaya sababta aanay Mbappe ula saxeexanayn ayaa yidhi: “Ma aha xariifnimo in aanu hadda la saxeexano Kylian Mbappe, laakiin waxa loollan adag ah in aanu soo saarno Mbappe kale, Bellingham kale, ama Roy Keane kale.”