Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay tababaraheeda Erik ten Hag iyo waqtiga ay shaqada ka caydhinayso kaddib guul-darradii bahdilaadda ahayd ee ay Isniintii kala kulmeen Crystal Palace.
Manchester United ayaa go’aansatay inay aqbasho soo-jeedinta ah in shaqada laga caydhiyo tababare Erik ten Hag oo aanu guulo gaadhsiin karaynin kooxda, laakiin ay tahay inuu dhamaysto kulamada kooban ee ka hadhsan dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Saddex ciyaarood oo horyaalka ah oo ay la dheeli doonaan Arsenal, Newcastle iyo Brighton ayaa Erik ten Hag fursad loo siiyey inuu sii ahaado tababaraha Manchester United, laakiin khamaarka ugu weyn ee ay kooxdu ku guleyso waa finalka FA Cup ee May 25 ay garoonka Wembley kula ciyaari doonaan Manchester City.
Manchester United oo hadda kaalinta siddeedaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa uu Sir Jim Ratcliffe oglaaday in ay lama-huraan tahay in isbeddel lagu sameeyo kooxda, laakiin hadda aanay ahayn waqti ku habboon maadaama uu xilli-ciyaareedku dhamaad yahay.