Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay in ay ka tegayaan toddoba ciyaartoy oo magacyadooda ay soo bandhigtay, kuwaas oo albaabka Old Trafford ka bixi doona bishan aynu ku jirno ee June.
Manchester United oo la filayo inay isbeddello badan oo illaa tababaraha ah ay ku dhacaan xagaagan, ayaa waxa war-saxaafadeed ay soo saartay ay ku sheegtay, in ay fasaxday toddoba ciyaartoy oo ay qandaraasyadoodu dhamaad yihiin oo kooxda koowaad ah, kuwaas oo ay ku jiraan ruug-caddaayo waqti badan kusoo qaatay Old Trafford.
Ruug-caddaaga difaaca ee Jonny Evans iyo goolhaye Tom Heaton oo isagu muddo dheer joogay Manchester United ayaase ay kooxdu la xaajoonaysaa oo ay kula jirtaa wada-hadallo heshiis kordhin ah iyadoo qandaraasyadoodii hore ay dhamaadeen. Waxa kale oo ay kooxdu xaqiijisay inay heshiis rasmi ah u bandhigtay Omari Forson oo uu sii joogi doono.
Laakiin Anthony Martial, Raphael Varane iyo Brandon Williams ayaa Manchester United ay sheegtay inay ka tegi doonaan kooxda, waxaana dariiqooda oo kale raaci doona xiddigaha da’da yar ee Charlie McNeill, Marcus Lawrence iyo Kie Plumley oo iyaguna si xor ah ku baxaya.
Dhinaca kale, waxa la sugayaa in kooxdu ay saacadaha soo socda go’aan ka gaadho tababare Erik ten Hag oo uu mustaqbalkiisu laalan yahay kaddib laba sannadood oo uu joogay Old Trafford.