Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshiis buuxa la gaadhay shaqsiga ay u doorteen inuu illowsiiyo tababare Jurgen Klopp oo ka tegaya dhamaadka xilli-ciyaareedka, isla markaana hormuudka u noqonaya dibu-dhiska naadiga sagaalka sannadood uu gadhwadeenka u ahaa Klopp.
Liverpool ayaa waxa ay heshiis buuxa la gaadhay ninka khabiirka ku ah dhismaha kooxaha ee Michael Edwards oo ay wada-gaadheen heshiis buuxa oo uu ku noqon doono agaasimaha ciyaara ee kooxda, kaas oo ahaa sirtii ka dambaysay saxeexyada ay ka mid yihiin Mohamed Salah, Van Dijk, Ibrahima Konate, Darwin Nunez, Luis Diaz, Alisson iyo xiddigo kale.
Michael Edwards ayaa ogolaaday inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Liverpool oo uu xagaagii 2022 ka tegay, markaas oo uu soo afjaray muddo toban sannadood ah oo shaqooyin kala duwan uu kasoo qabtay Anfield.
Waxa uu Michael Edwards ahaa maamulaha kooxda ee waqtigii ay ugu guulaha badnaayeen, iyo shaqsigii sababta u ahaa xiddigaha ay kooxda isbeddelka ku sameeyey ee Salah, Alisson, Van Dijk, Sadio Mane, Andy Robertson, Fabinho, Konate iyo kuwo kale.
Kaddib heshiiska Michael Edwards, waxa uu durba doontay ninka dibu-dhiska ku sameeyey Bournemouth ee Richard Hughes oo ay isku kaashan doonaan sidii ay Liverpool uga dhigi lahaayeen koox sii wadata kutartanka dhamaan koobabka isla markaana ay suuqa u gelayaan sidii ay u keeni lahaayeen xiddigo ku habboon qaab-ciyaareedka Reds.
Taageereyaasha Liverpool ayaa farxad kusoo dhoweeyey heshiiska Michael Edwards iyo Richard Hughes, waxaanay baraha bulshada kusoo bandhigeen in xataa aanay tebi doonin Jurgen Klopp mar haddii ay kooxdu gacanta u gashay Michael Edwards oo ay rumaysan yihiin inuu keeni doono tababare ku habboon naadigooda.