Dhaawacyada kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa noqday tusbax-furtay, waxaana mar kale ay kooxdu waayaysaa laba ciyaartoy oo muhiim ah oo bandhig fiican ku jiray muddooyinkii dambe, isla markaana qayb muhiim ahaa ka qaatay dhibcihii ay Blues helaysay kulamadii ugu dambeeyey ee ay sare ugu soo kacday.
Chelsea ayaa waxa ay shaacisay, in xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez uu dhaawacmay oo uu ka maqnaan doono ciyaarta Everton ee Isniinta, sidoo kalena waxa aan la hubin in uu soo kaban doono ka hor ciyaarta Manchester City ee semi-finalka FA Cup ee Sabtida toddobaadka dambe.
Waxa kale oo ay Chelsea xaqiijisay in uu dhaawacmay difaaca dhexe ee reer France ee Axel Disasi oo laf-dhabar u ahaa Blues, isla markaana difaacista ku darsaday goolal muhiim ahaa oo uu dhaliyey.
Blues ayaa waxa hore uga maqnaa Raheem Sterling iyo Robert Sanchez oo la sheegay inay xanuunsanayaan iyo Levi Colwill, Fofana, Reece James, Roméo Lavia, Nkunku iyo Ugochukwu oo dhamaantood dhaawac ah.p;
Dhinaca kale, waxa ay Chelsea dib u heshay difaaca bidix ee reer England ee Ben Chilwell oo tababarka kusoo laabtay kaddib muddo uu dhaawac ahaa.