Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay ciyaartoydeedu bilaabeen inay raacaan dariiqa tababare Jurgen Klopp oo Axadda lasii sagootin doono isla markaana soo afjari doona waayihiisii sagaalka sannadood ahaa ee garoonka Anfield.
Laba ciyaartoy oo ruug-caddaayo ah ayaa hadda ku dhawaaqay in aanay tababare Jurgen Klopp kaga hadhi doonin Anfield oo iyaguna ay ka tegi doonaan toddobaadka dambe isla markaana Axadda ay qayb ka noqon doonaan shaqsiyaadka ay taageereyaashu ku macasalaamaynayaan garoonka Anfield.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Thiago Alcantara oo xilli-ciyaareedkan oo dhan u jiifay dhaawac isla markaana hal kulan oo kaliya dheelay ayaa hadda ku dhawaaqay inuu ka tegi doono Liverpool, waxaanay ciyaartaasi ahayd kulankii Arsenal ee bishii February oo uu daqiiqado kooban ku jiray garoonka.
September 2020 ayay Liverpool kala soo wareegtay Bayern Munich iyagoo kasoo bixiyey lacag dhan £25 milyan oo Gini, laakiin waqtigiisii Anfield waxa ragaadiyey dhaawacyo tiro badan, isaga oo 14kii bilood ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya kusoo bilowday.
Afartii sannadood ee uu joogay Anfield, waxa uu Thiago Alcantara u saftay 98 ciyaarood oo uu 74 ka mid ah kusoo bilowday, laakiin kooxdiisa ayaa intii uu joogay waxay ciyaartay 226 kulan, taas oo ka dhigan inuu 128 ciyaarood dhaawacyo ku maqnaa.
Dhinaca kale, difaaca dhexe ee reer Cameroon ee Joel Matip ayaa isaguna shaaciyey maanta in uu ka tegi doono kooxdiisa Liverpool oo uu macasalaamaynayo toddobaadka dambe marka ay kooxdiisu xilli-ciyaareedka kusoo xidhanayso kulan ay la dheeli doonaan Wolves.
Joel Matip oo siddeed sannadood u ciyaarayay Liverpool ayaa waxa ay si xor ah ugala soo wareegeen Schalke xilli-ciyaareedkii 2016/17, waxaanu kula guuleystay Premier League, Champions League, FA Cup, UEFA Super Cup iyo League Cup, isaga oo u saftay 201 ciyaar oo uu u dhaliyey 11 gool.