Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqaya inuu soo afjaray waayihiisii kooxda Paris Saint-Germain ee soo bilowday sannadkii 2017kii oo ahayd waqtigii ay kala soo wareegeen AS Monaco, waxaana uu ka bixi doonaa marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Kylian Mbappe oo ay PSG kusoo iibsatay lacag dhan 180 milyan oo Euro, isla markaana ah ciyaartoyga labaad ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta oo kaliya uu ka horreeyo Neymar oo sannadkii 2017 ay PSG kaga iibsatay Barcelona 222 milyan oo Euro, ayaa si xor ah ku bixi doona.
25 jirkan ayaa qandaraaska uu kula jiro PSG waxa uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda, waxaana uu bisha June sii macasalaamayn doonaa kooxdiisa, sida uu sheegay wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain.
Mbappe ayaa ka bixi doona aamusnaantii mustaqbalkiisa, waxaana uu go’aankiisa bixitaanka uu kooxdiisa iyo taageereyaashaba ku wargelin doonaa saddex maalmood gudahood sida uu sheegay Marca.
Lama hubo in uu raacin doono inuu tegayo Real Madrid iyo in kale, hase yeeshee Los Blancos ayaa ah kooxda ugu cadcad ee muddada dheer lala xidhiidhianayy xiddiga reer France.
Warbaahinta Faransiiska ayaa hore u sheegtay, in Kylian Mbappe uu horraanta bisha February shaacin doono inuu ka tegayo kooxdiisa, iyadoo ay fashilmeen dedaallo badan oo uu madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu samaynayay si uu laacibkan ugu qanciyo inuu sii joogo Parc des Princes.