Real Madrid ayaa nasiib u yeelatay dhaawacyo xiriir ah oo soo gaaray xili ciyaareedkan, iyadoo kaliya dhowr ciyaaryahan aysan saameyn ku yeelan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dhaawacyada.
Hadda, ciyaartoyda dhaawac kaga maqan kooxda waxaa kamid ah Dani Carvajal, Eder Militao iyo Eduardo Camavinga.
Ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ay saamaysay dhibaatadan dhaawaca ayaa noqday Kylian Mbappe oo weerarka ka ciyaara.
Mbappe ayaa si adag ku bilowday nolosha Real Madrid, inkastoo uu gool dhaliyay guushii ay ka gaareen Girona isbuucaan, halka uu sidoo kale dhaliyay goolkii furitaanka kulanka Champions League ee caawa Atalanta.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu qasbay in qeybtii hore ee ciyaarta laga saaro garoonka Bergamo ka dib markii uu dhaawac soo gaaray weeraryahanka.
Lama.hubo inta uu qaadan karo dhaawaca Mbappe. Walina kooxda war rasmi ah kama soo saarin.