Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Kevin de Bruyne ayaa laga reebay liiska xulka qaranka dalkiisa ee kulamada bishan March, kaddib markii uu soo gaadhay dhaawac halis gelinaya fursaddiisa kulamada Newcastle United iyo Arsenal.
De Bruyne oo sannadkan cusub ee 2024 u dhaliyey kooxdiisa laba gool iyo 12 kale oo uu caawiye ka noqday isaga oo waliba kasoo laabtay dhaawac uu muddo u jiifay, ayaa waxa beddel lagu saaray kulankii Liverpool ee Axaddii ee barbarraha kusoo dhamaaday.
Manchester City ma aanay sheegin dhaawaca De Bruyne iyo muddada uu garoomada ka maqnaanayo intaba, hase yeeshee taabaraha xulka qaranka Belgium ee Domenico Tedesco ayaa waxa uu shaaciyey in De Bruyne uu dhaawac muruqa ah soo gaahday, isla markaana uu kulankii ugu dambeeyey ee Liverpool uu ciyaarayey isaga oo dhaawac ah, sidaas daraadeedna ay ka reebeen liiska xulka si aanay khatar ugu gelinin kulamo saaxiibtinimo.
Domenico Tedesco oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Waxa uu dhaawac fudud kasoo gaadhay muruqa sarcanta. Waxa uu kulamadii ugu dambeeyey ciyaarayay isaga oo dhaawac ah. Waxa aan la hadlay dhakhtarka iyo Kevin, waxaananu go’aaminay in khatar weyn uu gelayo [haddii xulka lagu daro].
“Waxa fiican in uu helo waqti uu si fiican ugu soo kabto, si uu diyaar ugu noqdo tartanka qaramada Yurub ee xagaaga.”