Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in xal laga gaadhay xurguftii dhaxmartay xiddiga kooxdiisa ee Mohamed Salah intii ay socotay ciyaartii West Ham ee horraantii toddobaadkan, markaas oo uu xiddiga Masar laynka garoonka kula murmay tababarihiisa illaa uu ka gaadhayey heer uu Darwin Nunez qabtay.
Mohamed Salah ayaa lagu canaantay ixtiraam-darro uu u muujiyey tababarihiisa oo waliba ku jira maalmihii ugu dambeeyey waqtigiisa Liverpool oo uu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Siddeed sannadood oo ay wada joogeen Anfield ayaa uu Mohamed Salah u ahaa addeece wanaagsan oo dhego fudud, laakiin hadda oo uu macallinka reer Germany ka tegayo Anfield ayaa uu ku noqday caaq, inkasta oo illaa hadda aanay kooxdu shaacinin waxa rasmiga ah ee uu ka cadhooday xiddiga Masar.
Tababare Jurgen Klopp oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arrintaas la xalliyey, waxaanu yidhi: “Gebi ahaanba waa la xalliyey, mana jirto wax dhibaato ah oo hadda taagan.
“Haddii aanaan muddo dheer is aqoon lahayn, ma garanayo sida aanu arrintan ku xallin lahayn, laakiin hadda gebi ahaanba waa la xalliyey. Waanu is ixtiraamnaa, markaa hadda dhibaato ma jirto.”