Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay xaaladda dhaawacyada ciyaartoyda kooxdiisa ee tusbaxa furtay noqday xilli-ciyaareedkan, waxaana uu xaqiijiyey in labada ciyaartoy ee Andy Robertson iyo Wataru Endo ay awoodi waayeen inay tababarka yimaaddaan maalintii Khamiistii.
Liverpool oo ay hore uga dhaawacnaayeen Alexander-Arnold, Mohamed Salah, Dominik Szoboszlai, Diogo Jota, Darwin Nunez, Alisson Becker, Thiago Alcantara, Bajcetic iyo dhawr kale oo da’yar ah, ayaa waxa uu maanta shaaciyey Klopp in tababarkii kooxdiisa ee Khamiistii ay awoodi waayeen labada ciyaartoy ee Wataru Endo oo laf-dhabar u noqday kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray Stuttgart maalintii u dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda iyo difaaca bidix ee Andy Robertson oo isaguna kasoo laabtay dhaawac garabka ahaa oo uu muddo saddex bilood ah u jiifay.
Jurgen Klopp oo maanta la hadlay saxaafadda ka hor ciyaarta Nottingham Forest, ayaa yidhi: “Endo iyo Robbo (Andy Robertson) ma aanay imanin tababarkii shalay, laakiin waxa aanu rajaynaynaa in ay maanta iman doonaan.”
Qaybta dambe ee hadalkiisa ee ah in uu rajaynayo inay maanta oo Jimce ah tababarka la qaadan doonaan kooxda inteeda kale ayaa farxad u abuuraya jamaahiirta Reds oo Sabtida mar kale shan dhibcood ku qaban doona hoggaanka haddii ay ka adkaadaan Nottingham Forest maadaama Arsenal iyo Man City aanu midkoodna ciyaarayn Sabtida.
Dhinaca kale, Jurgen Klopp waxa uu sheegay in Dominik Szoboszlai iyo Darwin Nunez ay kusoo laabteen tababarka shalay, isla markaana ay fursad u haystaan ciyaarta Sabtida.