Jurgen Klopp ayaa qaatay go’aan adag oo uu safkiisa kaga saaray labada ciyaartoy ee waxma-tareyaasha noqday ee Mohamed Salah iyo Darwin Nunez, kuwaas oo uu kaydka dhigay ciayarta adag ee West Ham United ee maanta.
Liverpool oo guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Everton habeenkii Arbacada, ayaa u baahan guul si ay usoo qabato Arsenal oo Axadda dheeli doonta kulankeeda usbuuca, waxaana Jurgen Klopp uu sameeyey shan isbeddel oo weerarka iyo khadka dhexe u badan.
Mohamed Salah iyo Darwin Nunez oo fursado badan khasaariyey ciyaartii ay Everton ku karbaashtay 2-0 ee godka madow ku ridday rajadooda horyaalka Premier League, ayaa waxa uu weerarka kusoo wada bilaabay Cody Gakpo oo kulankaas ka maqnaa iyo Luis Diaz, halka garabka midig ee booskii Mohamed Salah uu ka ciyaarayo Harvey Elliott.
Waxa kale oo khadka dhexe dib ugu soo laabtay Wa3taru Endo iyo Ryan Gravenberch oo booska kala baxay Curtis Jones iyo Dominik Szoboszlai, halka sidoo kale uu Klopp kaydka dhigay Ibrahima Konate oo isku dhigay mid ka mid ah kubbadaha goolashii ay Everton dhalisay, waxaana lagu beddelay Jarell Quansah.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Quansah, Van Dijk, Robertson; Endo, Mac Allister, Gravenberch; Elliott, Gakpo, Diaz.
Kaydka: Kelleher, Gomez, Salah, Nunez, Szoboszlai, Konate, Tsimikas, Jones, Bajcetic.
West Ham XI: Areola, Coufal, Zouma, Ogbonna, Emerson, Soucek, Alvarez, Kudus, Paqueta, Bowen, Antonio
Kaydka: Fabianski, Johnson, Cresswell, Ward-Prowse, Phillips, Cornet, Ings, Casey, Mubama