Xiddiga reer Portugal ee Joao Felix ayaa si cad u sheegay in aanu doonayn in uu dib ugu laabto kooxdiisa Atletico Madrid ee amaahda ugu dirtay Barcelona, waxaana uu xaqiijiyey in uu doonayo inuu sii joogo Camp Nou.
Joao Felix oo xilli-ciyaareedkii hore amaah ku joogay Chelsea ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ka maqan yahay Atletico Madrid sababtoo ah waxa ay isku dhaceen tababare Diego Simeone oo uu khilaaf u dhexeeyo.
24 jirkan oo ka hadlay mustaqbalkiisa kaddib dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa yidhi: “Aniga warkaygu waa cad yahay, waxa aan doonayaa in aan sii joogo Barcelona. Waan ku faraxsanaan lahaa in aan sii joogo Barcelona oo aan usii ciyaaro, waxaana hubaal ah in qoyskayguna ay ku faraxsan yihiin, laakiin aniga oo kaliya arrimuhu iguma xidhna.
“Waynu arki doonaa waxa dhaca, balse anigu waan jecelahay Camo Nou. Waxa kael oo aan jeclaan lahaa in Xavi uu beddelo go’aankiisa oo uu sii joogo halkan oo uu tababare sii ahaado, waa macallin wanaagsan oo fikrado wanaagsan.”
Joao Felix oo la weydiiyey ciyaartoyda uu jeclaan lahaa in ay Barcelona la saxeexato xagaaga, si uu uga garab ciyaaro, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan rajaynayaa in Barcelona ay la saxeexan doonto Bernardo Silva. Waa ciyaartoy sare oo shaqsiyad fiican.”