Manchester United ayaa soo gabagabeysay heshiiska daafaca Lecce ee Patrick Dorgu, sida uu shaaca ka qaaday Fabrizio Romano.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Ruben Amorim, ka hor maalinta kama dambaysta ah ee suuqa, waxaana uu noqon doonaa saxiixii ugu horreeyay ee Man Utd suuqa kala iibsiga ee Janaayo 2025.
Red Devils ayaa ceyrsaneysay Dorgu dhowr bilood, wadahadaladana waa ay sii xoogeysanayeen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, iyadoo Amorim uu doonayo daafac cusub inuu geeyo Old Trafford xilli ay kooxda ku jirto qaab ciyaareed liita.
Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, waxaana laga badiyay 7 kamid ah 17 kulan oo uu Amorim hogaamiyay tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting CP bishii November ee sanadkii hore.
Man Utd ayaa haatan heshiis la gaartay Lecce, xiddiga ayaa loo diyaarin doonaa inuu maro tijaabada caafimaadka saacadaha soosocda” sida uu shaaca ka qaaday Romano.