Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxa ku habsaday dhaawac ay la murugoonayso oo dibedda ka dhigaya weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo in muddo ah garoomada ka maqnaan doona, kaas oo durba ay soo baxeen tirada kulamada aanu qaybta ka noqon doonin.
Rasmus Hojlund ayaa waxa soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo kusoo aaday isaga oo dhowaan dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, si joogto ahna goolal u dhalinayey.
Hojlund oo laba gool dhaliyey ciyaartiisii ugu dambaysay ee Luton Town, isla markaana lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League si xidhiidh ah goolal u dhalinayey, ayaa waxa uu hadda garoomada ka maqnaan doonaa laba illaa saddex toddobaad.
21 jirkan oo jabiyey rikoodhka Premier League oo noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee lix ciyaarood oo isku xiga goolal dhaliya, ayaa waxa uu dhaawacu kasoo gaadhay muruqa, waxaana ugu yaraan uu ka maqnaan doonaa kulanka Nottingham Forest ee FA Cup ee usbuuca dambe iyo ciyaarta xigta ee Manchester Derby ee ay Manchester City iska hor imanayaan.
Manchester United ayaa waxay dheelid oontaa shan kulan ka hor ciyaaraha caalamiga ah ee bisha March, waxaana suurtogal ah in Rasmus Hojlund uu ka maqnaado saddex ama afar ka mid ah.
Waxa hore ay Manchester United u shaacisay in Luke Shaw uu xilli-ciyaareedka inta ka hadhay oo dhan maqnaan doono, halka Aaron Wan-Bissaka, Lisandro Martínez, Tyrell Malacia, Mason Mount iyo Anthony Martial ay iyaguna dhaawacyo u jiifaan.