Kooxda Arsenal ayaa la kulantay dharbaaxo weyn ka hor kulanka Inter Milan, iyadoo Declan Rice laga saaray kulanka 4-aad ee Champions League.
Rice, oo 25 jir ah, ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ciyaartii ay Arsenal guuldarada 1-0 ah kala kulantay Newcastle todobaadkan, waana kulankii 9-aad xiddiga khadka dhexe uu ka soo muuqdo Premier League xilli ciyaareedkan.
Guusha Arsenal ay ka gaartay Tottenham ayaa ah kulanka kaliya ee Rice seegay, xili ciyaareedkaan, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka England waqtigaas uu la maqnaa casaankii uu qaatay kulankii Brighton.
Laakiin Rice ayaa si gaar ah uga maqnaa tababarka London Colney ee maanta, mana ku biirin kooxda Mikel Arteta ee u duushay Milan.
Ma cadda waxa Rice ka hor istaagay safarka San Siro, laakiin Arteta ayaa ku qasban inuu war rasmi ab kasoo saaro shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka uu qaban doono caawa.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Rice ma soo gaarin dhaawac halis ah, oo sabab u noqon kara inuu ka maqnaado Arsenal Kulanka Inter.
Dhinaca kale warar ayaa leh Gunners ma dooneyso in ay halis galiso Rice kulanka ka dhacaya San Siro, kabtankii hore ee West Ham ayaa waxaa qiimeyn ku sameynaya shaqaalaha caafimaadka kooxda.