Ruug-caddaaga difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa ilmada ceshan waayey maanta, waxaana uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga tegi doono kooxdiisa Chelsea marka uu dhamaado xill-ciyaareedakn gabogabada ah.
39 jirkan reer Brazil ayaa qandaraaskiisa Chelsea uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, laakiin waxa uu rajaynayaa in wiilashiisu ay kusii jiri doonaan kulliyadda da’yarta Chelsea oo ay raadkiisa raaci doonaan.
Waxa kale oo uu Thiago Silva xaqiijiyey, in uu doonayo inuu dib ugu soo laabto Stamford Bridge oo uu xilal ka qabto, waxaana isaga oo shaacinaya go’aankiisa bixitaanka uu yidhi: “Halkan waxa aan imid aniga oo qorshahaygu yahay in aan sannad kaliya sii joogo halkan, waxaanay qaadatay oo ay ku dhamaatay afar sannadood. Aniga oo kaliya ma aha, laakiin sidoo kale qoyskayga.
“Wiilashayda ayaa u ciyaara da’yarta Chelsea, waana sharaf in aan qayb ka noqono qoyska Chelsea. Waxa aan rajaynayaa in wiilashaydu ay xirfaddooda halkan kasii wadi doonaan oo ay u ciyaari doonaan.
“Afartaa sannadood ee aan joogay halkan, waxa aan sameeyey wax kasta oo karaankayga ah si aan u difaaco shaadhkan. Laakiin nasiib-darro, wax kasta waxa ay leeyihiin bilow iyo dhamaad.”
Thiago Silva oo sannadkii 2020 si xor ah ugu soo wareegay Chelsea oo markaas uu laylinayey Frank Lampard, ayaa waxa uu sannadkii 2021 kula guuleystay Champions League oo ahaa koobka kaliya ee uu raadinayey ee heer kooxeed.
Isaga oo ku dhawaaqaya macasalaamaynta kooxdiisa Chelsea, ayuu Silva yidhi: “Marka horeba way adag tahay in aad tidhaahdo nabad-gelyo, laakiin nolosha ayaa sidaas ah. Mar walba waxa aan ahaan doonaa Blue, waan jecelahay qoyskan.”