Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa shaacisay tababaraheeda cusub ee hoggaamin doona kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Thomas Tuchel oo sannad kaliya xilka hayey.
Bayern Munich ayaa macallinkeeda cusub waxa ay u magacowday Vincent Kompany oo beddeli doona Thomas Tuchel oo uu ka dhaxlayo koox aan wax koob ah ku guuleysanin xilli-ciyaareedkii tegay, balse isaguna heerka labaad ay kooxdiisii Burnley u dhacday.
Bavaria ayaa waxa ay bixin doontaa £10 milyan oo Gini oo ay magdhow ahaan u siinayso Burnley maadaama uu heshiis kula jiray isla markaana ay ugu sabreen iyadoo kooxdoodu heerka labaad u dhacday.
Kompany oo ay da’diisu tahay 38 jir ayaa goor dhoweyd usoo bandhigtay saxaafadda, kaddib markii ay waayeen dookhoodii koowaad oo ahaa Xabi Alonso oo ku adkaystay inuu sii joogayo bayer Leverkusen oo uu u qaaday horyaalka Bundesliga iyo koobka German Cup xilli-ciyaareedkan.
Waxa kale oo Bayern Munich lala xidhiidhiyey Julian Nagelsmann iyo Ralf Rangnick ka hor intii aanay u leexanin Kompany oo u saxeexay heshiis saddex sannadood ah oo socon doona illaa laga gaadhayo sannadka 2027.