Joan Lpaorta iyo Deco ayaa kulan degdeg ah ugu yeedhay tababare Xavi Hernandez, waxaanay goordhoweyd albaabada iskugu xidheen xarunta Ciudad Deportivo ee ay ku yaallaan garoomada tababarka iyo xafiisyada kooxdu.
Kulankan ayaa imanaya iyadoo ay kooxdu isku diyaarinayso ku dhowaaqista tababaraheeda cusub ee Hansi Flick oo ay mar horeba la gashay heshiis uu ku noqonayo macallinka u beddelaya Xavi Hernandez.
Joan Laporta iyo Deco waxa markii ay u yeedheen Xavi Hernandez la joogay Sant Joan Despí waxaanay u xaqiijiyeen in ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu tababare u ahaanayo Barcelona ay tahay ciyaarta Axadda ay la dheeli doonaan Sevilla, taas oo lagu sagootin doono.
Wargeyska Marca ayaa sheegay in Barcelona ay maalinta Isniinta sagootin u samayn doonto tababarahan ay eriday oo markii hore ay ku qasbeen inuu ka laabto go’aan ahaa inuu ka tegayo kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedka, balse markii uu afkiisa ka sheegay inuu sii joogayo uu Joan Laporta si lama filaan ah uu ugu dhawaaqay inuu eryayo.
Dhinaca kale, taageereyaasha Barcelona ayaa ka cadhooday sida uu Laporta ula dhaqmayo halyeygiooda Xavi Hernandez oo waqtigiisii oo dhan usoo ciyaaray, ka hor inta aanu noqonin tababaraha, waxaanay baraha bulshada kusoo bandhigeen gadoodka falka uu ku kacay Madaxweynahoodu.