Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay warbixinta dhaawaca difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger saacado ka hor ciyaarta Girona, waxaana uu laacibkani muddo ka maqnaan doonaa garoomada isaga oo gelaya liiska difaacyada dhaawacan ee David Alaba, Eder Militao iyo Nacho oo uu hadda afar ku noqday Rudiger.
Carlo Ancelotti ma haysto difaac dhexe ciyaarta caawa ee Girona oo laba dhibcood oo kaliya ay ka sarreeyaan, sidoo kalena illaa dhamaadka bishan ayay kusii jiri doonaan xaaladdan inkasta oo ay rajaynayaan in Nacho uu dib ugu soo laaban doono.
War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayaa lagu sheegay, in baadhitaanno maanta ay ku sameeyeen laacibkan lagu ogaaday, isla amrkaana laga daaweeyey dhaawac kasoo gaadhay muruqa lugta bidix, isal markaana xaaladdiisa la qiimayn doono.
Wariyaha ciyaaraha ee Jose Luis Sanchez ayaa sheegay in Rudiger uu muddo laba toddobaad ah ka maqnaan doono garoomada, isla markaana seegayo illaa afar ciyaarood oo ay ku jirto lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee RB Leipzig ee usbuucan.
Carlo Ancelotti ayaa shalay saxaafadda u sheegay in Rudiger uu taam yahay oo uu ciyaari doono kulanka Girona marka ay qiimayn ku sameeyaan xaaladdiisa, laakiin dhaawac muruqa ah ayaa kusoo booday oo uu muddo u jiifi doonaa.
Nacho Fernandez ayaa isaguna ka maqan ciyaartan oo la filayaa inuu dhamaadka usbuuca dib usoo laabto, waxaanay taasi ka dhigan tahay in difaaca dhexe ay Real Madrid ka ciyaarsiin doonto Dani Carvajal iyo Aurelien Tchouameni.