Suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January ayaa maanta oo Khamiis ah lasoo xidhi doonaa, waxaanay dhamaan kooxaha Yurub gacmaha ka laaban doonaan marka la gaadho fiidka caawa abbaaro 11pm saacadda UK oo ku beegan 2pm waqtiga Geeska Afrika.
Saxeexyo badan ayaa la filayaa in la dhamaystiro maanta illaa caawa, waxaana aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xiddigaha qarka u saaran bixitaanka kooxahooda, kuwa heshiisyadoodu gabogabada yihiin iyo kuwa xantoodu jirto balse aan la hubin in la dhamaystiri doono iibkooda.
RASMI: Nottingham Forest ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga da’da yar ee Rodrigo Ribeiro oo ay kala soo wareegtay Sporting Lisbon, kaas oo illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan amaah ku joogi doona City Ground, iyadoo Nottingham haysata dookh ay si rasmi ah ku haysan karto 18 jirkan reer Portugal.
Chelsea waxay hadda ogolaatay in uu amaah ku baxo Armando Broja kaddib markii ay meesha ka baxday riyadii Blues oo ee ahayd inay £50 milyan oo Gini ku iibiyaan. Fulham iyo Wolves ayaa xiisaynaya laacibka reer Albania, balse saacadaha yar ee hadhsan ayaan la hubin in lagu dhamaystiri karayo heshiiskiisa amaahda.
Manchester United iyo Werner Bremen ayaa is-dhaafsanaya dhukumentiyada heshiiska xiddiga da’da yar ee Isak Hansen-Aroen, kaas oo si rasmi ah maanta uga degi doona Bremen oo uu u saxeexayo qandaraas soconaya illaa sannadka 2028.
Difaaca midig ee reer Ivory Coast ee Sere Aurier ayaa ka tegay naadiga Nottingham Forest, waxaana uu kusii jeedaa naadiga reer Turkey ee Galatasaray.
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta waxa uu ka muraara-dillaacsan yahay in kooxdiisu aanay la saxeexanin weeraryahan cusub intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoyda, isla markaana bisha January ay ku dhaafayaan dhaqdhaqaaq la’aan. Xagaaga ayayse dhaxda u xidhan doonaan sidii ay Brentford ugala soo wareegi lahaayeen Ivan Toney.
Lyon ayaa qarka u saaran in ay £30 milyan oo Gini kula soo wareegto khadka dhexe ee Nottingham Forest ee Orel Mangala. 25 jirkan reer Belgium ayaa bandhig fiican ka sameeyey garoomada tan iyo markii ay Forest kala soo wareegtay Stuttgart June 2022.
Chelsea iyo Liverpool ayaa indhaha ku haya weeraryahankoodii hore ee ay hore labadoodu ula kala wareegeen ee Dominik Solanke oo 12 gool oo Premier League ah u dhaliyey Fulham xilli-ciyaareedkan, laakiin tababaraha Bournemouth ee ANdoni Iraola ayay ka go’an tahay inuu sii haysto laacibkan oo bishii September saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka 2027.
Bayern Munich iyo Granada ayay mid walba dhinaceeda ka saxeexday dhukumentiyada heshiiska ay ku kala iibsanayaan xiddiga reer Spain ee Bryan Zaragoza, kaas oo mar horeba iska xaadiriyey garoonka tababarka Munich.
Karim Benzema ayay u badan tahay inuu ku negaanayo kooxdiisa Al-Ittihad maadaama aanay waqti ku filan u haysanin in uu heshiis la gaadho kooxo reer Yurub ah oo uu amaah ku tegi lahaa, iyadoo sidoo kalena naadiyada waaweyn ay ka gabbadeen mushaharkiisa badan.
Marcus Rashford ayay diiraddu u saaran tahay PSG oo doonaysa inay ka qaadato Manchester United xagaaga, balse xidhiidhka tababare Erik ten Hag iyo laacibkan oo kusoo laabta qaabkii fiicnaa ayaa ku qancin kara xiddiga reer England inuu sii joogo Old Trafford.
Real Madrid ayaa faraxsan, waxaanay kalsooni buuxda ku qabtaa in xiddiga reer France ee Kylian Mbappe uu iman doono xagaaga, iyadoo wararku sheegayaan in haddaba heshii is-faham ah ay Los Blancos la gaadhay Kylian Mbappe.
NB: Wixii kasoo kordha suuqa waxa aad kala socon doontaan halkan fiidka hore ee caawa iyo saqda dhexe ee uu suuqu xidhmayo