Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay laba dhibcood kaga qabatay Arsenal, kaddib markii ay guul weyn oo 4-2 ah kasoo gaadhay Crystal Palace oo ay ku booqdeen magaalada London.
Manchester City ayaa sii shaqaysatay waqti hore oo maanta ah oo saddex dhibcood ku darsatay diiwaankeeda, iyadoo tababare Pep Guardiola uu sameeyey isbedello badan oo uu nasiyey ciyaartooyo muhiim ah oo uu usii dhigtay kulanka Real Madrid ee Salaasada.
Kevin de Bruyne ayaa go’aamiyey libinta Manchester City ay kala soo laabatay safarka ay ugu tagtay Palace, waxaana uu dhaliyey laba gool iyo mid saddexaad oo uu caawiye ka noqday, halka Erling Haaland uu ahaa maqane jooga oo kubbad lugta loo saaray uu shabaqa ku leexiyey, inta kalena uu go’doon ku ahaa garoonka.
Daqiiqaddii afraad ee bilowga ciyaarta ayay Crystal Palace gool degdeg ahaa kaga nixiyey Manchester City kaddib markii uu Mateta kubbad kala soo galay badhtamaha garoonka oo dhinaca midig u badan, isla markaana darbad xooggan ka hoos bixiyey goolhaye Stefan Ortega.
Palace ayaa heshay fursado kale oo dhawr ahaa tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, laakiin dhamaystir la’aan ayaa u diidday inay hoggaanka sii dheeraystaan.
Daqiiqaddii 13aad ayaa waxa garabka bidix kubbad iskugu dhiibay Jack Grealish iyo Kevin De Bruyen, waxaana xiddiga reer Belgium uu kubadda lasoo galay xerada ganaaxa kaddibna darbad xooggan ayuu ku toogtay goolka oo uu shabaqa ku hubsaday, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 1-1.
Erling Haaland ayaa kubbad uu De Bruyne u dhaafiyey difaacyahannada waxa uu ula tegay goolhayaha oo uu isku dayey inuu dhinaca ka dhigo, laakiin waa laga badbaadiyey.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayuu wiilka da’da yar ee Rico Lewis waxa uu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, kaddib markii kubbad uu ka helay xerada ganaaxa dhaxdeeda uu ku toogtay goolka, waxaanaykubaddu kusii dhacday difaaca Palace ka hor intii aanay shabaqa gelin.
Intaas kaddib waxa ay Manchester City sii kordhisay culayska ay ku haysay Crystal Palace oo niyad ahaan u duntay markii goolka albaad laga dhaliyey, waxaanay taasi keentay in laba gool oo kale ay keento City.
Daqiiqaddii 66aad ayaa kubbad uu De Bruyne goolka hortiisa ugu dhiibay Erling Haaland waxa uu xiddiga reer Norway ku dhamaystiray lugta bidix, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 3-1.
Afar daqiiqadood kaddib ayaa uu De Bruyne dhaliyey goolka afraad ee Manchester City u xaqiijiyey in aanay cidina ka daba iman karaynin, isaga oo kubbad uu ka helay Rodri ku toogtay lugta bidix.
Crystal Palace ayaa waqti dambe cadaadis saartay Manchester City waxaanay keentay gool labaad oo uu u dhaliyey Edouard oo beddel kusoo galay, waxaanay sidaas ciyaartu ugu soo dhamaatay 4-2.
Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester City ay yeelatay 70 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Liverpool oo farqi laba gool ah kaga haysa hoggaanka laakiin Liverpool iyo Arsenal ayaa isbeddel ku samayn doona horyaalka haddii ay guuleystaan kulamadooda usbuucan.