Paris-Saint Germain ayaa diidan inay ka quusato saxiixa weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford xagaagan.
Kooxda Faransiiska ayaa dooneysa inay dalab gaaraya 80 milyan ginni ka gudbiso Rashford si ay u keenaan caasimada Faransiiska xilli ciyaareedka soo socda.
Rashford ayaa qandaraas cusub oo shan sannadood ah u saxiixay Man United xagaagii la soo dhaafay isagoo mushahar ahaan u qaadanaya 350 kun ginni todobaadkii.
Laakiin waxa uu wajahayaa xilli ciyaareed xun garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba, taasoo keentay in lala xiriiriyo inuu ka tagayo United xagaagan.
Waxa uu ku guuldareystay inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, waxayna isku dhaceen tababare Ten Hag ka dib markii uu habeen khamri cabis ah u seegay tababarkii kooxda.
Waxaa la fahamsan yahay in madaxda PSG ay ka go’an tahay inay la soo saxiixdaan Rashford. Waxay u arkaan bedelka Kylian Mbappe kaasoo xagaaga la filayo inuu u wareego Real Madrid.
Marka laga soo tago inay 80 milyan ginni ku dalbanayaan, waxay sidoo kale Marcus Rashford u soo bandhigeen mushahar ka qaalisan midka uu ka qaato United iyagoo u soo bandhigay mushahar 500 kun ginni todobaadkii.