Xiddigaha Manchester United ee Marcus Rashford iyo Kobbie Mainoo ayaa isku dhax qabsaday garoonka Old Trafford intii ay socotay ciyaartii shalay ay Fulham guul-darrada 2-1 ah u xambaarisay, taas oo soo afjartay guulo xidhiidh ahaa oo ay Red Devils ka keenaysay garoomada tan iyo bilowgii sannadkan 2024.
United oo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey guulo ku gaadhay Old Trafford, ayaa waxa khasaaraha u horseeday Alex Iwobi oo daqiiqaddii 97aad Fulham u dhaliyey goolka guusha.
Calvin Bassey ayuu ahaa laacibka hoggaanka u dhiibay Fulham daqiiqaddii 65aad, waxaase barbarreeyey Harry Maguire iyadoo ilbidhiqsiyo ka hadhsan yihiin daqiiqadda 90aad, halka Iwobi uu dhamaystiray kubbad uu Adama Traore meel fog kasoo jiiday dhamaadka ciyaarta.
Manchester United oo aan laga badinin tan iyo markii uu bilowday sannadkan 2024, ayaa murugo ay ku habsatay dhamaadaka ciyaarta, waxaana la arkayay Marcus Rashford iyo Kobbie Mainoo oo garoonka dhaxdiisa ku murmaya.
Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa isaga oo qaylinaya u yimid Kobbie Mainoo oo ah 18 jir kasoo dallacay kooxda da’yarta, waxaana uu Rashford u muuqanayey inuu talooyin siinayo, hase yeeshee Mainoo ayaan si habboon ugu jawaabin, taas oo keentay in Rashford uu faraha taagtaago.
Muuqaalka laga duubay labadan ciyaartoy oo murmaya, ayaa waxa falcelin ka sameeyey taageereyaasha Manchester United.
Halkan ka daawo muuqaalka Marcus Rashford iyo Kobbie Mainoo oo ku murmaya garoonka dhaxdiisa
@strettyend Rashford with Mainoo during the game #mufc #unitedontiktok #rashford #marcusrashford #mainoo #munful