Arrin layaableh ayaa ka dhacday garoionka Old Trafford intii ay socotay ciyaartii Manchester United ay guul-darrada 1-0 ah kala kulantay Arsenal oo marti u ahayd, taas oo muujisay in aanu tababaraha reer Netherlands ee Erik ten Hag wax kalsooni ah ka haysanin ciyaartoydiisa.
Manchester United oo ay wararku sheegayaan in qolka labbiska aanay ka jirin wax kala-dambayn iyo ixtiraam ah oo ay ciyaartoydu u hayaan tababaraha reer Netherlands, ayaa shalay si caddaan ah dibedda ugu soo baxday.
Antony oo beddel kusoo galay ciyaarta oo fursaddiisii ugu horreysay halis geliyey goolka Arsenal ayaa uu tababare Erik ten Hag farriin usoo faray Christian Eriksen oo daqiiqaddii 87aad beddel kusoo galay ciyaarta, waxaana uu u sheegay inuu tago difaaca bidix oo uu ka ciyaaro.
Garabka weerarka Brazil ayaa ka cadhooday farriinta tababarihiisa, laakiin waxa u yimid Scott McTominay oo garabka qabtay isla markaana u riixay dhinaca booska loo beddelay ee difaaca bidix, sidoo kalena Eriksen ayaa isaguna u sheegay inuu u hoggaansamo amarka tababaraha, laakiin laacibkan ayaa isaga oo farta ku fiiqaya tababarihiisa, waxa uu fartiisa bidix iskaga qabtay dhafoorka oo isaga oo tababarihiisa ku sifaynaya ‘nin waalan’.
Halkan ka daawo sidii ay wax u dhaceen
antony’s reaction to having to play left back again 🤣🤣🤣🤣 pic.twitter.com/t7F3BhuDbA
— belles (@daloting) May 12, 2024