Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa xalay uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii ay barbarraha ka tuugeen Ghana, taas oo uu garabka weerarka Liverpool uga baxay dhaawac soo gaadhay qaybta hore.
Salah ayaa is-qabtay muruqa lugta, waxaana uu dhax fadhiistay garoonka oo ay ugu yimaaddeen dhakhaatiirtu, kaddibna waxa uu ka baxay garoonka, si aanu khatar badan u gelin.
Ciyaartan oo kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah, ayaa waxa laba gool kaga nixiyey Masar xiddiga West Ham ee Mohammed Kudus, laakiin Masar ayaa awoodday inay la timaaddo labada gool iyadoo garoonka Felix Houphouet Boigny Stadium uu ka baxay isaga oo soconaya.
Muuqaalka laga duubay Salah markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa muujinaya in aanu Mohamed Salah dhibaato badan qabin, waxaanu u socon karayay si wanaagsan, taas oo warbaahintu ku tilmaameen in uu awoodi karayo inuu si degdeg ah ugu soo noqdo.
Halkan ka daawo muuqaalka Salah
🚨🚨🚨🚨🚨Mohamed Salah walking out of the stadium full of smiles and seems to be fine!pic.twitter.com/DJgc5ysuvU
— Anything Liverpool (@AnythingLFC_) January 19, 2024
Mohamed Salah Liverpool yalagaraba