Wareysigii cajiibka ahaa ee waxyaabo badan uu kaga hadlay Ronaldo, ayaan qeyb qeyb u kala qaadi doona, inagoo si fiican u qaada dhiganayna wax kasta uu CR7 kaga hadlay wareysiga.
Isaga oo u baahan hal gool oo kaliya si uu u gaadho 900 xirfadiisa kooxeed iyo wadankiisa, gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu doonayo inuu gaadho 1,000 gool.
Wareysi uu siiyay xiddigii hore ee England Rio Ferdinand oo laga sii daayay kanaalka YouTube-kiisa,
39-jirka Ronaldo ayaa ka hadlay inuu heerkiisa cayaareed sare u sii qaadayo isagoo dhisaya rikoorkiisa gooldhalinta.
Waynu ognahay Ronaldo inuu midaasi ka hadlay balse waxaynu sii tixraacayna muhiimada hadalkiisa.
Ronaldo oo ka hadlay rajadiisa Kunka Gool wuxuu yidhi..
“Waxaan doonayaa inaan gaaro 1,000 gool,”
“Haddii aanan wax dhaawacyo ah qabin, tani aniga ayaa ii tahay waxa ugu muhiimsan, aniga ayaa doonaya.
Aniga ahaan, calaamadda ugu fiican ee aan ku yeelan karo kubbadda cagta waa inaan gaaro, marka hore, 900 oo gool.
Kadib, waa inaan gaaro 1,000 gool.”
Ronaldo ayaa si daacad ah ula hadlay Ferdinand, saaxiibkiisii hore ee Manchester United, isagoo ka hadlay mowduucyo ay ka mid yihiin tayada ciyaarta ee Saudi Pro League.Ronaldo ayaa si aan ganbasho lahayn ugu faanay inuu yahay midka ugu goolasha badan caalamka, wuxuu sidoo kale ku tilmaamay in goolashiisa ay ka duwan yihiin gooldhaliyaashii kale ee abid soo maray, oo ay ku jiraan halyeeyo ay ka mid yihiin Pele iyo Alfredo Di Stefano, kuwaas oo ciyaaray xilliyadii aysan kamaradu aad u badanayn.
“Dhammaan goolashii aan dhaliyay, waxay Leeyihiin Muuqaallo ,”.
Dhageyso, dhamaantood waan ixtiraamayaa [Pele iyo Di Stefano].
Haddii aad rabto goolal badan, sidoo kale waxaan ka keeni karaa tababarka.
Dadkana waan u caddayn doonaa kadib inaan ahay kan ugu badan.
Waxay door bidaan ciyaaryahankan, ama kani waa kan ugu fiican. Arrintaas waxba igama gelin. Ayuu yidhi CR7.
La soco qeybta kale………..