Cristiano Ronaldo ayaa Bilaabay Socdaal Cusub Oo Baraha Bulshada Ah , isagoo furtay Kanaal Cusub oo Youtube ah.
Xiddiga Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa bog cusub oo xiiso leh ka bilaabay baraha bulshada.
39-jirkan, oo loo arko inuu yahay ‘boqorka’ baraha bulshada, ayaa Arbacadii maanta ahayd furay kanaalkiisa cusub ee YouTube-ka.
Saacado uun ka dib markii uu ganacsigiisa cusub ka bilaabay YouTube, CR7 waxa uu xidhay in ka badan 1 milyan oo macaamiil ah.
Cristiano Ronaldo ayaa sii balaarinaya raadkiisa dhijitaalka ah isagoo ganacsi cusub ku soo galay YouTube, isagoo bilaabay kanaalkiisa cusub ee UR.
Horumarkan xiisaha leh wuxuu ujeedkiisu yahay inuu sii qoto dheereeyo la shaqayntiisa taageereyaasha adduunka oo dhan isagoo siinaya muuqaal dhammaystiran oo noloshiisa ka baxsan garoonka.
Maaddaama uu yahay shaqsiga ugu badan ee la socda qeybaha kala duwan ee bulshada, awoodda baraha bulshada ee Ronaldo ayaa si weyn gacan uga geysatay maqaamkiisa inuu yahay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan adduunka.
Waa ninka ugu taageerada badan Instagram-ka, weli ma sheegan karo YouTube-ka waayo booskasi waxaa xidhtay oo hadda Boqor ka ah MrBeast oo heeysta 311 milyan oo macaamiil ah.
Muxuu Ronaldo u sameeyay kanaalkiisa cusub ee YouTube?
Kanaalka YouTube-ka, Ronaldo wuxuu qorsheynayaa inuu soo bandhigo waxyaabo kala duwan oo ay ku jiraan fikradaha kubbadda cagta, iyo sidoo kale mowduucyo gaar ah sida nolosha qoyska, fiyoobaanta, nafaqada, tababarka, soo kabashada, waxbarashada, iyo hawlaha ganacsiga.