Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa telefoonka kula xidhiidhay laba ciyaartoy oo ay usoo wada dheeleen Real Madrid oo uu doonayo inay yimaaddaan kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Nassr oo uu ka caawinayo inay samayso saxeexyo ka caawiya sidii ay koobab ugu guuleysan lahaayeen.
Cristiano Ronaldo oo la arkayay isaga oo ooyaya kaddib finalkii King’s Cup ee ay Al-Hilal rikoodheyaasha kaga qaadday Jimcihii, ayaa waxa uu kooxdiisa ka dalbaday inay is-xoojiso oo ay mar kale furaan qasnaddooda isla markaana la saxeexdaan ciyaartooyo awoodi karaya inay koobab ku guuleystaan.
Kaddib markii ay kooxdiisu ku guul-darraysatay inay wax koob ah ku guuleysato xilli-ciyaareedkan, waxa uu Ronaldo telefoonka ka wacay kabtanka Real Madrid ee Nacho Fernandez oo la sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Los Blancos oo uu dhamaaday qandaraaskii uu kula jiray.
Waxa kale oo uu Cristiano Ronaldo la hadlay kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro oo ay hore isagana hore ugu wada dheeli jireen Real Madrid balse labadii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayey Manchester United.
Ronaldo ayaa la sheegay in uu kooxdiisa ui sheegay inay la saxeexdaan difaac dhexe oo khibrad badan, goolhaye, khad dhexe iyo garab midig oo ka caawiya inuu ka fudaydiyo culayska difaacyahannada isla markaana kubbado badan usoo dhiibi karaya.
Labada boos ee difaaca dhexe iyo khadka dhexe ayuu Cristiano Ronaldo iskii iskugu xil-qaamay inuu iskugu dayo inuu ka caawiyo kooxdiisa sidii ay u heli lahaayeen, halka saddexda boos ee kalena uu maamulka naadigiisa Al-Nassr u daayey inay ka shaqeeyaan saxeexooda.