Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa calaamadsatay saddex ciyaartoy oo ay la saxeexanayso xagaagan aynu ku jirno, kaddib xilli-ciyaareed ku adkaa oo ay koobab la’aan ku dhamaysteen, halka kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ay ku guuleysatay Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup.
Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta oo usbuucii hore shaqada ka eryey tababare Xavi Hernandez isla markaana ku beddelay khabiirka reer Germnay ee Hansi Flick ayaa waxa uu mar kale samaynayaa isbeddello, isaga oo koxoda ka xoojinaya meelaha ay ka liigayso.
Hansi Flick ayaa markii la magacaabayey u gudbiyey Joan Laporta magaca ciyaartoyga uu doonayo inuu noqdo saxeexiisa koowaad, waana mishiinka khadka dhexe ee Bayern Munich iyo xulka Germany ee Joshua Kimmich.
Laakiin Joan Laporta iyo Deco ayaa sidoo kale rumaysan inaykooxdoodu u baahan tahay garab weerar oo dhinaca bidix ah iyo khad dhexe oo goolal badan dhalin karaya, waxaana ay isku raaceen inay kooxda keenaan xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Real Madrid iyo garabka weerarka Athletic Bilbao iyo xulka Spain ee Nico Williams oo isaga qandaraaskiisa lagu burburin karayo 50 milyan oo Euro.
Wargeyska El Nacional oo warkan qoray ayaa waxa uu sheegay in Kimmich ay khadka dhexe ku midoobi doonaan Ilkay Gundogan, halka Florian Wirtz uu isaguna caawin doono weerarka oo uu booska No.10 ka dheeli doono iyadoo Nico Williams oo 31 ciyaarood oo xilli-ciyaareedkan uu u dheelay Bilbao ku lug yeeshay 16 gool uu isaguna garabka arradan ee dhinaca bidix ka ciyaari doono.
Barcelona oo ay haysato dhaqaale xumo ayaa inta aanay saxeexyo samaynin, waxa ay marka hore doonaysaa inay iibiso Frenkie de Jong, Raphinha iyo waliba hal ciyaartoy oo kale oo ay wararku sheegayaan inuu noqon doono Ronald Araujo.